Dowlad Gudoomiyaheedii Barlamaanka ku Xukuntay 15 Sano oo Xabsi ah Kadib...

Dowlad Gudoomiyaheedii Barlamaanka ku Xukuntay 15 Sano oo Xabsi ah Kadib Markii uu…….

0
SHARE

Maxkamad ku taalla Magaalada Jakaarta ee Dalka Indonesia ayaa guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Dalkaas ku xukuntay 15,sano oo xabsi ah kaddib markii lagu helay in uu xaday hanti dadweyne.

Kaararka ku shaqeeya Tignolojiyadda ayaa lagu sheegay in uu ku xaday hanti dhan $170Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Arrintan waxaa ay guul u tahay booliska la dagaallanka Musuq maasuqa,oo sheegay in kiiskan ay iyaga soo oogeen markii horena maxkamad u gudbiyeen.

Setya Novanto,  ayaa sidoo kale horay u soo noqday Guddoomiyaha Xisbiga Golkar party ee dalkaas,waxaana hadda lagu xukumay 15 Sano.

Novanto,waxaa uu ka mid yahay 80  saraakiil dowladeed ah oo lagu heysto in ay musuq maasuqeen lacag dhan $440m intii u dhaxeysay Snaadihii  2011 ilaa 2012.

Intii ay socotay dacwadda isaga ka dhanka ah waxaa uu Novanto,beeniyay in uu ku lug leeyahay eedaha la xiriira lunsiga hanti dadweyne.

Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in Novanto, lagu ganaaxay lacag dhan $36,000 oo doollar sidoo kalena muddo shan Sano ah uusan qaban karin xafiis dowladeed

LEAVE A REPLY