Dowlada Imaaraatka oo xirtay isbitaalkii Sheekh Zayed ee magaalada Mugdisho…

Dowlada Imaaraatka oo xirtay isbitaalkii Sheekh Zayed ee magaalada Mugdisho…

0
SHARE

Dowlada Imaaaraadka Carabta ayaa albaabada iskugu dhufatay isbitaal weyn oo ay horey uga furtay magaalada Muqdisho kaasoo lagu magacaabo Sheekh Zayed Hospital.

Warkan ayaa waxaa goor dhow faafiyey Wareyska Al-ceyn ee ka soo baxa dalka Imaaraadka Carabta.

Talaabadan ayaa ku soo beegantay xilli uu aad u sii xumaaday xiriirka diplomasiyadeed ee ka dhexeeyay Imaaraadka Carabta iyo Somalia kadib markii dowladda Somalia ay garoonka dayuuradaha Muqdisho ku qabatay lacag Imaaraadku lahaa oo malaayiin dollar gaareysay.

Dowladda Imaaraadka ayaa sidoo kale xalay shaacisay inay joojisay taageeradii iyo tababaradii milatari ee ay siin jirtay ciidamada dowlada Somalia.

Saraakiishii tababarayaasha ahaa ee ku sugnaa Xerada Imaaraadka ee Jen. Gordan ayaa saaka isaga baxay Magaalada Muqdisho, iyagoo dalkooda dib ugu laabtay.

War-Saxaafadeed ay maanta soo saartay dowlada Somalia waxay ku beenisay inuu xumaaday xiriirkii u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Imaaraadka, iyadoo sheegtay inuu bilowday wadahadal u dhaxeeya labada dhinac oo lagu soo afjarayo xiisadii ka dhex dhalatay.

Dowlada Imaaraadka ayaa mudooyinkan fara gelin qaawan ku heysay arrimaha gudaha ee Soomaaliya taasoo keentay in maalinba maalinta ka dambeysa oo sii xumaado xiriirka ay leedahay dowlada Soomaaliya oo haatan gaaray heerkii ugu qalafsanaa oo gaarsiisan in labada dowladood hadalo kulul warbaahinta isu mariyaan.

LEAVE A REPLY