Dowladda Imaaraadka Carabta oo shaacisay in ay Joojisay Tababarka ay siin jirtay Ciidamada Soomaaliya

Sida lagu daabacay Wakaalada wararka ee Imaaraadka Carabta ee WAM dowladda Imaaraadka Carabta ayaa gebi ahaanba joojisay tababarkii ay siin jirtay Ciidamada Soomaaliya,iyaga oo sida la sheegay kaga jawaabayey falkii 8-dii Bishaan lagula wareegay lacag dhan 9.6 Milyan oo dollar oo Garoonka Muqdisho lagu qabtay,isla markaana ay dowladda Soomaaliya la wareegtay.

Warka ayaa waxaa lagu sheegay in imaaradka uu joojiyey tababarkii mudada uu ka waday Saddex Xeryo ciidan oo ku yaalla Muqdisho iyo Puntland,halkaas oo ay ka soo baxeyn ciidamo aad u farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibada Imaaraadka ayaa horay u cambaareysay la wareegitaankii lacagtii ay lahaayeen,waxa ayna sheegeen in ay tababareen 2407 oo askari,isla markaana ay bixin jireen mushaaraadkooda.

Warka kas oo baxay dowladda Imaaradka Carabta ayaa ku soo aadaya xili maalin ka hor Garoonka Diyaaradaha Boosaaso mudo Saacado ah lagu xanibay Diyaarad qaadi laheyd Saraakiisha Imaaradka ee tababarka u joogay Puntland wallow markii dambe ay Garoonka ka dhoofeen.

Sidoo kale 11 Bishaan Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya la wareegeyso Ciidamda Imaaradka uu tababaray eek u sugan Muqdisho.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Ugu Danbeyay

Madaxweyne caan ah oo loo heysto inuu xaday dheyman lagu qiimeeyey 15 bilyan oo dollar
- May 24, 2018
Guddi ka tirsan baarlamanka dalka Zimbabwe ayaa la filayaa inay ku cadaadiyaan madaxweynihii hore ...
War dag dag ah Daawo Sawiro Laga soo Qaaday Dhawacyada Ciidamada Somaliland Dgaaal Wali ka socda Maanta Tukaraq
- May 24, 2018
Dagaal Xoogan ayaa maanta ka Socda Deganka tukaraq Kaasi oo u dhaxeeya Ciidmada Maamulka ...
Daawo Sawirada + Warbixin : Magaalada Hobyo oo Lagu Doortay Gudoomiye Cusub
- May 24, 2018
HM)  Xafiiska Gaalkacyo Xaflad Ka Dhacday Magaalada Hobyo Ee Goballka Mudug ayaa Dhalinyarada Degmadaasi ...
Daawo Sawirada Masuuliyiin ka kala Socday Maamulka Galmudug iyo Sarakiisha EU NAVFOR oo ka wada Hadley Amaanka Xeebaha Galmudug
- May 24, 2018
Maraakiibta Talyaaniga iyo maraakiibta yaryar ee ka socda amaanka EU NAVFOR, ITS Margottini waxay ...
Akhriso Faah Faahino Dagaal Xoogan oo Saaka Ka Dhacay Tukaraq iyo Puntland oo War-Saxafadeed Deg deg ah Goordhaw soo Saartay
- May 24, 2018
Kadib dagaal saakay ka bilaawday deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxaa Warka soo ...
XOG: Sirdoonka DF oo qorshe cusub ay kaga hortagayaan u degay dilalka qorsheysan ee Muqdisho ka geystaan Daacish
- May 24, 2018
Sirdoonka Soomaaliya ayaa badinaya wardoonkooda magaalada Muqdisho ka dib markii ay soo if baxday ...
Warar Cusub oo ku Saabsan Xildhibaan Lagu Toogtay Magaaalada Gaalkacyo iyo Cidii Dilkaasi ka danbeysay
- May 24, 2018
Faah Faahino Cusub aya ka Soo baxaya Dil ka dhacya Magaalada Gaalkacyo Halkaasi oo ...
DHAGEYSO:-Maamulka degmada Caabudwaaq oo eedeen u jeediyay maamulka Galmudug
- May 23, 2018
Guddoomiye ku xigeenka arimaha bulshada ee degmada Caabudwaaq ee Waaqoyga gobolka Galgaduud ayaa eedeen ...
DHAGEYSO:-Maamulka degmada Caabudwaaq oo eedeen u jeediyay maamulka Galmudug
- May 23, 2018
Guddoomiye ku xigeenka arimaha bulshada ee degmada Caabudwaaq ee Waaqoyga gobolka Galgaduud ayaa eedeen ...
DHAGEYSO: Khilaaf xoogan oo Markale soo kala dhex galay Madaxda Galmudug, (Yaa ka dambeeya?)
- May 23, 2018
Khilaaf cusub ayaa markale soo gala dhexgalay Madaxda maamulka Galmudug sidda ay shaaciyeen Mas’uuliyiin ...
XOG CUSUB: Dowlada Turkiga oo Madaxweyne Farmaajo ku Qalqaalineysa inuu ka Taqaluso Imaaraadka
- May 23, 2018
 Warar hoose oo ay heleyso Hobyomedia.com .com ayaa sheegaya in Masuuliyiin ka socda Dowlada ...
Cabdiraxmaan C/shakuur” Booqashadii Doha ka dib Xildhibaanada waxaa loo qeybiyay lacag gaaraysa $1645,000
- May 23, 2018
Siyaasi C/raxmaan C/shakuur oo ka mid ah Siyaasiyiinta aadka u mucaaradsan Dowladda madaxweyne Farmaajo ...
Diyaarad dagaal Nuucii ugu dambeeyay Dunida oo Duqeymo geesatay (Daawo Sawirro)
- May 23, 2018
Diyaarad dagaal oo nooceedu yahay F-35 laguna farsameeyo dalka Mareykanka ayaa markii ugu horeesay ...
Weerar Madaafiic Ah Oo Lagu Qaaday Fariisin Ay Leeyihiin Ciidamada AMISOM
- May 23, 2018
Faah faahino dheeraad ah ayaa kazoo baxaya weerar madaafiic loo adeegsaday oo xalay lagu ...
Sucuudiga iyo Masar oo dhex dhexaadinaya Jabuuti iyo Imaaraad, waxaan Jabuuti tagay Madaxa DPWorld
- May 22, 2018
Madaxa shirkadda DP world ee dalka Imaaraadka Carabta Axmed Bin Suleyman ayaa horaantii bishan ...
>
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
 
Advertisements