Faah Faahino Dagaaalo Goos Goos ah oo ka Dhacay Qaybo ka Mida...

Faah Faahino Dagaaalo Goos Goos ah oo ka Dhacay Qaybo ka Mida Muqdisho , iyo Ciidamo Beleedyo lagu Soo Daad Guraynayo Muqdisho

0
SHARE

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa dagaal xoogan oo Ciidamo ka wada tirsan Dowladda ku dhexmaray Xaafado kamid ah Magaalada Muqdihso.

Dagaal ayaa ka dhashay mursan salka ku hayay dhul ku yaala Xaafada 77 oo la kala xoogan, Waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, Ciidamada dagaalamayay oo qaab beeleed u abaabulnaa ayaa isku adeegsaday Hubka dhashiikaha iyo Qoriga ka dhaca Gaadiidka Ciidamada.

Waxaa jiro Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay dagaalka kaa soo soo kala gaaray dhinacyadiid agaalamayay, Sidoo kale waxaa jiro Khasaare soo gaaray dad shacab ah oo Xaafadahooda ay ugu tagtay Hubkii la isku adeegsanayay.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa Mustaqbal usheegay in dhowr jeer ay soo nonoqdeen dagaaladan balse aaney jirin wax Xal ah oo ay Dowladda uheyso dagaaladan oo ay dhibta ugu badan soo gaarto dadka shacabka ah, Meesha lagu dagaalamay ayaa waxaa ku badan xaafado ay daganyihiin dad danyar ah.

Dagaalka oo Bilowday Gelinkii danbe ee Maanta ayaa soo gaaray Fiidkii hore ee Caawa, Waxaana saameyn uu ku yeeshau isu socodka Gaadiidka iyo Goobaha Ganacsiga.

Si Kastaba, Dagaalka ayaa ku soo beegmaya iyadoo Magaalada Muqdisho ay ka jirto Xiisad ka dhalatay Mooshinka laga keenay Gudoomiye Jawaari ee Madaxda Sare ee Dalka qeybta ka yihiin, Waxaana jira Xildhibaano sheegay in Caasimada ay ku soo qulqulayaan Ciidamo laga keenay Gobolada Dalka.

LEAVE A REPLY