Maxkamad ku taalla Jarmalkaoo Qaaday Talaabo ka Caraysiisay Dowlada Spain

Maxkamad ku taalla Jarmalkaoo Qaaday Talaabo ka Caraysiisay Dowlada Spain

0
SHARE

Maxkamad ku taalla Jarmalka ayaa hogaamiyihii xilka laga qaaday ee Catalonia Carles Puigdemont damaanad ku sii daysay, waxaanay xukuntay in aan dib loogu celin Spain oo lagaga oogay dacwad fallaagonimo ah.

Laakiin maxkamadaas oo ku taal magaalada woqooyiga ee Schleswig waxay sheegtay in ay ka fiirsan doonto oo ay go’aan ka gaadhi doonto in dib loogu celiyo Spain hadii lagu soo oogayo dacwado musuqmaasuq oo keli ah.

Maxkamadda ayaa ka baaraan degeysay go’aanka ay ka qaadan dooneyso codsi uga yimid dalka Spain kaasi oo ay ku dalbaneysay in lagu soo wareejiyo in ka badan toddobaad hogaamiyhii gobolka Catalonia Carles Puigdemont.

Dowladda Spain ayaa ku eedeysay Carles fallaaganimo.

Maxkamadda ayaa kusoo gabagabeysay kiiskan in waxa ugu u dhigma sharciga Jarmalka uu yahay inuu galay ninkaan qiyaano qaran.

Balse waxa ay xukuntay maxkmadu in kiiska Mr Puigdemont aysan ka mid ahayn wax rabshado ah oo uu galay,sidaasi darteedna eedeyntaasi aanan la aqbalin.

Sikastaba, waxaa la sheegay inuu jiri doono kiis u baahan in laga jawaabo kaasi oo ah inuu ku takri falay lacagta dowladda bishii October ee sanadki hore, xilligaasi oo uu ku qabtay afti madaxbanaani oo sharci daro ahayd.

Maxkamadu waxa ay codsatay macluumaad dheeraad ah iyada oo kusii deysay Carles Puigdemont damaanad ah sagaashan kun oo doolar

LEAVE A REPLY