SAWIRRO: Qofka ugu da’da weynaa Caalamka oo geeriyootay, Imisa sano jir bay...

SAWIRRO: Qofka ugu da’da weynaa Caalamka oo geeriyootay, Imisa sano jir bay aheyd?

0
SHARE

Dalka Japan waxaa ku geeriyootay Nabi Tajima, oo dhalatay Bishii  August 4dii ee Sanadkii,1900,kii waxaana ay ku geeriyootay Isbitaal ku yaalla Jasiiradda Kikai ee Gobolka  Kagoshima ee dalka Japan.

Sarkaal ka mid ah kuwa Isbitaalka ay ku geeriyootay Susumu Yoshiyuki,ayaa markii ugu horreysay xaqiijiyay geerida Haweeneyda inta la ogyahay ahayd qofka ugu da’da weyn dadka hadda nool.

Shalay oo Sabti ahayd ayey ku geeriyootay Isbitaalka degaanka ay ka soo jeeddo Gobolka Kagoshima.

Tajima, waxaa ay qofka ugu da’da weyn dalka Japan noqotay Sanadkii 2015kii,waxaa ay sidoo kale noqotay qofka ugu da’daweyn Caalamka Markii uu geeriyooday Violet Brown oo u dhashay  Jamaica  kaas oo geeriyooday Bishii  September 2017 ,waxaana uu ku dhintay da’da 117 Sano jir.

Buugga Guinness World Records,ayaa raadinayay kaddib geerida Violet Brown qofka ugu da’daweyn,waxaa uu helay Tajima,waxaana qofka hadda ugu da’da weyn Caalamka uu yahay Masazo Nonaka, oo u dhashay dalka Japan,waxaana lagu dhawaaqay  10kii Bishan April.

Dalka Japan waxaa uu ka mid yahay dalalka Caalamka ee dadkooda Cimriga dheeryihiin,waxaa ay Dowladda Sanadkii la soo dhaafay sheegtay in ay Japan ku noolyihiin 68,000 Qof oo ka weyn da’da 100 Sano.

LEAVE A REPLY