Shil gaari oo qasaara geystay oo gor dhow ka dhacay Degmada wisil...

Shil gaari oo qasaara geystay oo gor dhow ka dhacay Degmada wisil ee Gobalka Mudug

0
SHARE

Shil Gaari oo ka Dhacay Duleedka Degmada Wisil Ayaa Sababay Dhaawaca 3 Wiil Oo Dhalinyaro Ah Sida ay Shegayaan Wararkii ugu Danbeyay ee Warbaahinta Hobyomedia.com ay ka Helayso Deganka Wasil ee Gobalka Mudug

labo ka mid ah Dhalinyaradaas Dhaawacoodu waa Mid aad Halis u Ah Waxaana Dhaawacyadaas  la Keenay Isbitaalka Weyn Gaalkacyo Galmudug.

Dadka Deganka oo la Hadlay hobyomedia.com aya Sheegay in dhacdooyinka nuucan oo kale ah ay ku soo badanayan deganadaasi , Waxana dhacay dhawr mar oo hore shilal nuucan oo kale ah

Dhaqatiirta Caafimadka Gaalkacyo aya la Tacaalaya Baxnaaninta Dhawacyada loo keenay Waxana wararkii u Danbeyay ay Shegayan in Qaar ka Mida Xaaladooda ay soo Hagaagayso

WIXII WARAR DHEERAADA LA SOCO INSHA ALAAH

LEAVE A REPLY