Somalida Canada oo Ay soo Food Saartay Culays Xoogan Kadib Markii ...

Somalida Canada oo Ay soo Food Saartay Culays Xoogan Kadib Markii Bankiga RBC uu joojiyay acountiyadii Xawaladaha Qaar

0
SHARE

Maxamuud Cakuut  oo kamid ah Soomaalida kunool Magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa sheegay in Dacwad ka dhan ah Bankiga Royal Bank in Canada (RBC) ay gudbiyeen, kadib markii labadii Akkoon (Accoun) ee ugu dambeeyay ee Xawaalada Soomaalida kasoo dhigan jireen Bankiga uu joojiyay.

Sababaha loo joojiyay Lacagaha Bankiga lagu soo shubo si Soomaalida ay eheladooda ugu soo diraan ama usoo gaarsiiyaan ayaa lagu sheegay in aanan faah-faahino Dowladda Canada ka heyn Cidda ay lacagahaasi u gacan gasho.

Taasina waxa ay sababtay in la xiro Akkoonadii Xawaaladaha ay ku lahaayeen Bankiga, marka laga reebo labo Xawaalad oo iyanna hadda laga joojiyay lacagihii uu laga qaban jiray.

Dhanka kale Maxamuud ayaa sheegay in ay dacwad ka gudbiyeen Xayiraad uu sheegay in laga saarayo Lacagaha ay eheladooda usoo dirsan jireen.

Waxa uu tilmaamay in ay tuhmayaan Canada in lacagaha laga diro dalkeeda ay suurta gal tahay in ay u gacan galaan Al-Shabaab, Daacish iyo Ururada kale ee ay u aqoonsan yihiin waxa loogu yeero Argagixisada.

Canada ayaa dabagal ku bilawday Lacagaha Soomaalida dalkeeda kunool ay usoo diraan Wadamo ay kamid tahay Soomaaliya, waxaana jira tuhun ay ka qaaday lacagahaasi oo ay tilmaamtay in aanan heyn cadad rasmi ah iyo cidda ay u gacan-gashaba

LEAVE A REPLY