XOG: Ciidamo Ajanabi oo la wareegay Amaanka Garoonka diyaaradaha Adan cadde(War Cusub?)

XOG: Ciidamo Ajanabi oo la wareegay Amaanka Garoonka diyaaradaha Adan cadde(War Cusub?)

0
SHARE

Ammaanka Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa si ka duwan sidii hore loo adkeeyay,waxaana lagu kordhiyay Ciidamo nabad sugid iyo Boolis aad u hubeysan.

Inkastoo cabsi sidaasi u buuran la dareemin hadana laamaha amaanka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa u muuqday iney jiri karaan weeraro Qaraxyo iyo mid toos ah oo ka yimaada Ururka Al-Shabaab,kaasi oo lagu qaado Garoonka diyaaradaha.

Albaabada laga galo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa si weyn looga dareemayaa isbedelka dhanka Amniga ah ee Garoonka,waxaana si aan horay loo arag loo baarayaa dadka galaya Garoonka.

Waxaa jira qalab casri ah oo lagu soo kordhiyay Garoonka diyaaradaha,waxaana dadka ayaa dhib ku qaba qalabka cusub oo wax walba oo bir sheegta ay wataan sheegaya.

Dowladda Soomaaliya ayaa xoogeeda isugu geysay sidii ay u sugi lahayd amaanka Garoonka diyaaradaha oo ka mid ah ilaha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha ka soo xarooda.

Sidoo kale,sugida amniga Garoonka waxaa ka qeyb qaadanaya Ciidamo Ajanabi ah oo wata eeyo kuwaasi oo si xirfad heer sareysa dadka u baaraya

LEAVE A REPLY