Xog :Odayaal iyo Siyaasiyiin Diyaarinaya Qorshe Xilka Looga Tuurayo Madaxweyne Xaaf iyo...

Xog :Odayaal iyo Siyaasiyiin Diyaarinaya Qorshe Xilka Looga Tuurayo Madaxweyne Xaaf iyo Xildhibano looga Yeeray Cadaado

0
SHARE

Odayaal iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Magaalada Cadaado ayaa qorsheyneysa sidii ay xilka uga tuuri lahaayeen madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo ay ku eedeeyeen inuu hareer maray Heshiisyada sida wadajirka ah loo wada gaaray.

Qaar ka mid ah Waxgaradka magaalada Cadaado oo shir ku yeeshay magaaladaasi ayaa waxay go’aan ku gaareen in Xildhibaanada metalaya deegaankaasi looga yeero magaalada Cadaadi si wadatashi loola yeesho.

Sidoo kale, Xogta aya sheegaysa in siyaasiyiin iyo odaayasha Beesha Cadaado ay isku raaceen in  gabi ahaanba ineysan taageersananeyn fekerka Madaxweyne  xaaf uu ku dhaqayo Galmudug,waxayna tilmaameen in xuquuq badan oo ay lahaayeen la duudsiiyay.

Sidoo kale,waxay talaabo laga xumaado ku tilmaameen qorshihii Cadaado looga soo guuray oo lagu soo degay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud.

Heshiis ay wada galeen Ahlu suna iyo Galmudug ayaa ugu danbeyn dhaliyay in Maamulka Galmudug uu ku shaqeeyo xaruntiisa rasmiga ah ee Dhuusamareeb.

LEAVE A REPLY