XOG: RW Kheyre oo diyaarsaday Ciidamo u gaar ah & Xafiisyada DF...

XOG: RW Kheyre oo diyaarsaday Ciidamo u gaar ah & Xafiisyada DF oo qaati looga taagan yahay rag ku heyb ah

0
SHARE

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa intii uu joogay Xafiiska wuxuu hubeyn ku sameeyay Maleeshiyo ku heyb ah oo ku sugan degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.

Mid ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed ayaa ku eedeysay Xasan Cali Kheyre inuusan mudada halka sano iyo dheeraadka ah ee uu joogo Xafiiska uusan ka shaqeyn dan qarameed,balse taa badalkeeda uu ka shaqeeyay sidii awood dheeraad ah u siin lahaa Beesha uu ka soo jeedo ama uu ka dhashay ee Murunsade.

Sidoo kale,Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inuu dhamaan Xafiisyada Dowladda kuwooda ugu muhiimsan uu u magacaabay dhalinyaro iyo Siyaasiyiin isku heyb ay yihiin haba ugu badnaadaane ilaha dhaqaalaha dalka.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu yahay shaqsi jecel inuu dadka ku heybta ah wax u qabto marka laga soo tago danta guud ee Qaranka.

Dadka siyaasadda u dhuunduleela ayaa si aad ah u ammaana Xasan Cali Kheyre inuu yahay in howlkar ah oo waxqabad dhab ah la yimid mudada uu joogo

LEAVE A REPLY