Daawo Sawirada Atirisho horey u geeriyootay oo la ku guulaysatay billadda atariishada...

Daawo Sawirada Atirisho horey u geeriyootay oo la ku guulaysatay billadda atariishada ugu wanaagsan Hindiya

0
SHARE

Sridevi Kapoor oo ka mid ahayd jileyaasha Hindiya balse geeriyootay bishii Feebaraayo ayaa loo magacaabay atariishada ugu wanaagsan Hindiya, iyadoo ku mutaysatay filimkii ugu dambeeyay ee ay jishay.

Ninkeeda iyo labadeeda gabdhood ayaa gudoomay abaalmarinta.

Geerida atariishadan ayaa ka argagixisay dunida aflaanta ee Hindiya, Sridevi ayaa geeriyootay iyadoo 54 jir ah oo booqasho ku joogta Dubay si ay uga qaybgasho aroos uu qoyskeedu lahaa.

Waxaa la helay iyadoo aan neefsanaynin oo ku sugan qaybta qabayska ee huteelkii ay daganayd.

Wararkii hore ayaa sheegay in ay u dhimatay wadno xannuun, balse booliiska ayaa markii dambe sheegay in ay miyir daboolantay ka dibna biyaha ku hafatay.

Boney KapoorLahaanshaha sawirkaAFP

“Sridevi aad bay u farxilahayd maanta, ayuu yiri ninkeeda Boney Kapoor oo la hadlay saxaafadda Hindiya ka dib xafladdaas. wuxuuna intaas ku sii daray “Waan u xiisnay, waa wakhti farxadeed sidoo kale.”

Abaalmarintan ayuu gudoomay isaga oo ay ku weheliyaan labadooda gabdhood.

LEAVE A REPLY