Daawo Sawirada: In ka badan 100-Qof oo ku dhimatay Diyaarad Rakaab oo...

Daawo Sawirada: In ka badan 100-Qof oo ku dhimatay Diyaarad Rakaab oo ku bur burtay dalka…

0
SHARE

Diyaarad Rakaab oo nuuceedu ahaa Boeing 737 ayaa ku bur burtay meel ku dhaw garoonka diyaaradaha Caalamiga ee magaalada Havana ee caasimada dalka Cuba.

Inta la xaqiijiyay diyaaradanwaxaa ku dhintay 110-qof oo kamid ahaa rakaabkii diyaarada saarnaa, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay sadex qof oo kale kuwaa oo la dhigay isbitaal iyaga oo qaba dhaawacyo culus.

Diyaaradan rakaabka ee bur burtay ayaa aheyd nuuca u kala goosha gudaha dalka Cuba, waxaana diyaaradan oo ka duushay magaalada Havana ee caasimada Cuba iyada oo kusii jeeday magaalada Holguin .

Madaxweynaha dalka Cuba Miguel Diaz-Cane ayaa muujiyay sida uu uga naxsan yahay shilkan diyaaradeed ee dhimashada badan sababtay, waxa uuna murugada la qeybsaday dadkii eheladooda ku dhintteen shilkan.

LEAVE A REPLY