Daawo Sawirada madaxweynaha Jubbaland oo la Kulmay Ra,iisul Wasaraha Dalka Ethopia

Daawo Sawirada madaxweynaha Jubbaland oo la Kulmay Ra,iisul Wasaraha Dalka Ethopia

0
SHARE

Madaxweynaha maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) oo ku sugan dalka Itoobiya ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalkaasi Abiyi Axmed.

Kulankan ay yeesheen Madaxweynaha maamulka Jubbaland iyo Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa looga hadlay xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya gaar ahaan xiriirka hoose ee Itoobiya kala dhaxeeya Maamulka Jubbaland.

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa u balan qaaday maamulka Jubbaland in ay la yeelan doonaan wada shaqeyn dhaw, waxa uu sidoo kale u balan qaaday R/Wasaare Abiyi in Jubbaland ka taageeri doonaan la dagaalanka Al Shabaab.

Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa caado ka dhigtay in ay dalka dibadiisa u safraan heshiisyana lasoo galana Madaxda wadamada ay tagaan, lamana oga R/Wasaaraha cusub ee Itoobiya in uu ku shaqeyn doono siyaasidii dowladii hore iyo in uu wax ka badeli doono la tacaamulka maamulada hoose.

LEAVE A REPLY