Daawo Sawirada Madaxweynyasha Dowlad Gobaledyada Qaar oo ka degay Baydhabo...

Daawo Sawirada Madaxweynyasha Dowlad Gobaledyada Qaar oo ka degay Baydhabo iyo Madaxweyne Xaaf oo…….

0
SHARE

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa hadda gaarey magaalada Baydhabo ee xarunta Dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ka qeyb gali doona Shir ay yeelan doonaan Madaxda maamul goboleedyadda oo lagu waddo in uu ka furmo Magaaladaasi.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ayaa lagu sharaxay Calamadda maamuladda Koonfur Galbeed ,Puntland,  Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubbaland.

Dhanka kale  Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa hadda gaarey magaalada Baydhabo ee xarunta Dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Waxaa garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadda.

Madaxweynaha ayaa ka qeyb gali doona Shir ay yeelan doonaan Madaxda maamul goboleedyadda oo lagu waddo in uu ka furmo Magaaladaasi.

LEAVE A REPLY