Daawo Sawirada Dhismaha Wajiga labaad ee wadada Gaalkacyo iyo Wasil oo...

Daawo Sawirada Dhismaha Wajiga labaad ee wadada Gaalkacyo iyo Wasil oo la Bilabayo iyo Kulan lacag Garaysa $52,540 lagu Yaboohay oo Gaalkacyo lagu Qabtay

0
SHARE

Gudiga Hormarinta Iyo Baraarujinta Bulshada Ee GOB oo Gaalkacyo Ku Qabtay Kulan, dhaqaale Lagu Arurinayay Dhismaha Wadada Gaalkacyo iyo Wisil Ee Wajiga Labaad, waxaana Kulanka ka soo qeyb qalay Madaxda Gudiga Gob,Maamulka Degmada Gaalkcyo Odayaasha dhaqanka,Madaxda Xarumaha Waxbarashada Gaalkcyo,Haweenka Masuliyiin ka Socotay Deganada Gobolka Mudug Iyo Bulsho qeybaheeda kale duwan.

Gudomiyaha Gudiga Gob Pro Cabduqadi maxmed shirwac ayaa si Kooban uga Hadlay halka hada ay Mareyso shaqada dhismaha wadada Ee Gudiga ay gacanta ku Hayaan.

Dhamaan dadkii ka qeyb galay Kulanka ayaa Sameyey Yabooh Lacageed oo dhan $52,540,Taas oo lagu Bilaabayo Wajiga Labaad Ee Wadada xiriirisa Gaalkacyo iyo Wisil.

9-kii Bishaan ayey ahayd markii uu xariga ka jaray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf Wajigii 1-aad ee Dhismaha wadada Hobyo iyo Wisil oo ay dhismaheeda Fuliyeen Gudiga GOB oo Kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Kuwa reer Galmudug, waxaana dhawaan Bilaabanaya Qeybta Labaad ee dhismaha wadada.

LEAVE A REPLY