Daawo Sawirada + Warbixin : Magaalada Hobyo oo Lagu Doortay Gudoomiye Cusub

Daawo Sawirada + Warbixin : Magaalada Hobyo oo Lagu Doortay Gudoomiye Cusub

0
SHARE

HM)  Xafiiska Gaalkacyo Xaflad Ka Dhacday Magaalada Hobyo Ee Goballka Mudug ayaa Dhalinyarada Degmadaasi Ku Doorteen Hogaan Cusub.

Munaasabada Doorashada Waxaa Ka qayb Galay Wasiiro,Xildhibaano,Agaasimayaal Ka Tirsan Galmudug Iyo Masuuliyinta Maamulka Degmada Hobyo, waxaana Doorashada Gudoomiyaha Iyo Kuxigeenkiisa ku loolamay 4 ka Mida Dhalinyarada Degmada kadib Markii ay Gudiga Dhalinyaradu Ugu Codeeyeen Hab Qarsoodi Kuwaa oo ka koobnaa 21 Xubnood Oo Matalayay Dhalinyarada Degmada..

Waxaa la Guda galay Doorashada Gudoomiyaha Dhalinyarada Degmada Hobyo Iyo Kuxigeenkiisa waxaana Xilalkaa ku Tartamay C.fitaax Maxamed Axmed Sahal Iyo Muqtaar C.laahi Oo Ku Loolamayay Xilka Gudoomiyaha Halka Kuxigeenka ay Ku Tartameen Labo Musharax oo Kala Ahaa Cadaawe Maxamed Axmed Iyo C.fitaax Cali faey.

Intaasi Kadib waxaa Gudiga Doorashadu Shaaciyeen Sida Ay Noqotay Natiijadu,waxayna Ahayd Sidan.

Ugu Horeyn waxaa La soo Bandhigay Sida ay Codadka u kala Heleen Labadii Musharax ee u tartamayay Xilka Gudoomiyaha. C.fitaax Maxaned Axmed Sahal Wuxuu Helay 13Cod Halka Muqtaar C.laahi Oo La Tartamayna uu Helay 7 Cod 1Cod Wuu Halaabay Waxaana Gudigu Shaaciyeen In C.fitaax Maxamed Axmed Sahal(Fareey)Ku Guuleystay Gudoomiyaha Dhalinyarada D.Hobyo..

Waxaana Kadib Xubnaha Dhalinyaradu U Codeeyeen Cida Noqonaysa Kuxigeenka Oo Ay Ku Hardameen Musharixiinta aan Kor Ku Soo Xusnay..waxayna Najiitadu Noqotay Sidan. Cadaawe Maxamed Axmed Oo Helay 12 Cod C.fitaax Cali fareey Wuxuu Helay 9 Cod waxaana Xilka Gudoomiye ku xigeenka ku Guuleystay Cadaawe Maxamed Axmed.

Shaacinta Najiitada Kadib Waxay Masuuliyintii Ka qayb gashay Jeediyeen Qudbado u Badnaa Dardaaran loo Jeedinayay Mudanayaasha Guuleystay in ay Dhalinta Xilka U Dhiibatay Ugu Shaqeeyaan Si Hufnaan Iyo cadaalad Ku Jirto,wasiir Dekedaha Galmudug C.qaadir Cali Jaamac qalabxoor Oo hadlay wuxuu Sheegay In Marka Hore u hambalyaynayo Kadibna Looga Baahanyahay Gudashada Shaqada Hortaal,Sidoo kale waxaa Iyaguna Halkaa Ka Hadlay Gudoomiyaha Degmada Hobyo C.laahi Axmed Cali Faat Iyo Kuxigeenkiisa Maxamuud Maxamed Cawaale Oo Sheegay in ay Dhalinyarada Hobyo Yihiin Kuwa u taagan ka Shaqaynta Horumarka Dalka ayna Yihiin Laf Dhabarta Bulshada Sidaa Awgeed ay ka filayaan In ay wax weyn Ka Badalaan Shaqada Maamulka Iyo Horumarka xoogan Ee Xiligaan Ka Socda Degmada Iyo Deegaanada Hoostaga..

Dhinaca kale waxaa Iyaguna Dadweynihii Munaasabada Ka qayb galay La hadlay Mudanayaashii Guuleystay Iyo Kuwii Laga Guuleystay waxayna Musharixiintii Laga guuleystay Sheegeen In ay Si Hagar la,aana ula Shaqeyn Doonan saxibadood Ka Guuleystay,Sidoo kale waxaa Iyaguna Balan qaaday In ay U Shaqeynayaan Bulshadii Dooratay Iyo Dalkaba Musharixiintii Xilalka ku Guuleystay..

Waa Markii ugu Horeysay Ee Maamul Ay Sameysanayaan Dhalinyarada Reer Hobyo Ka qayb Galaan Masuuliyin ka Tirsan Galmudug Oo Ah Heer Wasiir Iyo Xildhibaano Iyo waliba Loo qabto Munaasabad Sidaan U Abaabulan,Walow ay Jireen Hogaan ay Dhalinta Degmadu Horey u Sameysan Jireen Hayeeshee Tani waxay Kaga Duwanayd Marka Laga Eego Hab Maamuuska Iyo Sida ay u Aqbaleen Madaxda Ugu Sareysa Galmudug Oo Qudhoodu U Hambalyeeyay..

W/D:Cali Maalin Nuur

Xaquuqda Sawir Qaadida : Xasan Yare

HOOS KA DAAWO SAWIRADA.

LEAVE A REPLY