Daawo Sawirada Weerar Ka Dhacay Caasimada Faransiiska ee Paris iyo Booliska oo...

Daawo Sawirada Weerar Ka Dhacay Caasimada Faransiiska ee Paris iyo Booliska oo Wadooyin Badan Xiray

0
SHARE

Nin Mindi ama toorey ku hubeesnaa ayaa la sheegay in weerar dhimasho iyo dhaawac dhaliyay ka geestay bartamaha magaalada Paris ee Caasimada Dalka Faransiiska.

War kasoo baxay Booliiska Paris ayaa lagu sheegay in nin Mindi ku hubeesnaa uu dilay hal ruux sidoo kale dhaawacay afar qof oo kale, waxaana xaalad halis ah ku sugan labo kamid ah dadka la dhaawacay.

Ciidamada booliiska oo goobta weerarku ka dhacay si deg deg ah usoo gaaray ayaa toogtay ninkii Mindida ku hubeesnaa, Dacwad oogayaasha Faransiiska ayaana bilaabay baaritaano lagu sameenayo ninkan weerarka fuliyay oo la tuhmayo in Daacish xubin ka yahay.

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkan ka dhacay Paris, waxa uuna sheegay in dalkiisu diyaar u yahay in uu iska difaaco waxa loogu yeero argagaxisada.

Dalka Faransiiska waxaa marar badan ka dhacay weeraro ay geesteen Ururka Daacish, waxaana weerarada ay Yurub ka  geestaan Kooxdaasi dalka ugu badan ay ka dhaceen uu noqday Faransiiska.

LEAVE A REPLY