Dhageyso Dowlada Somaliya iyo Barlmanka Dalka oo Si Kulul Uga Hadlay Dagaalka...

Dhageyso Dowlada Somaliya iyo Barlmanka Dalka oo Si Kulul Uga Hadlay Dagaalka Tukaraq

0
SHARE

Kulanka Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaa maanta looga hadlay Dagaaladda maalmihii lasoo dhaafay kasoo Cusboonaaday Deegaanka Tukaraq,wax ka qabashada fatahaadaha ay sameeyeen wabiyada Dalka iyo sidoo kale dardar gelinta howlaha kalfadhigan iyo kan xiga horyaala golaha shacabka.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Tukaraq in wax walba ay wada hadal ku dhameeyaan, loona turo shacabka lagu kor dagaalamayo.

Inkastoo Xaalada Maalmihii Ina Dhaaftay ay dagantahay, waloow dhinacyadii dagaalamay ay is hor fadhiyaan walina Hanjabaado hwada la isu marinayo ayaa hadana gudoomiye Mursal wuxuu sheegay in xalkasta laga raadiyo Miiska wadahaalka.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan  ayaa Dhinaca Kale si waafaqsan qodobka 56 ee xeer hoosaadka golaha shacabka guddi uu heerkiisu sareeyo oo ka kooban sagaal xubnood u magacaabay saameynta fatahaadaha wabiyada dalka ay ka geysteen meelaha ay maraan si guddigan ay ugu kuur galaan xaalada dhabta ah ee deegaanada fatahaadaha ay saameeyeen.

Guddigan waxaa guddoomiye ka ah C/wali sheikh Ibraahim Muudey oo ah guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka.

Gudoomiyaha golaha shacabkaayaa ugu dambeyn kormeer shaqo ku tagay golaha shacabka oo todobaadkii labaad ay ka socdaan howlo dayactir ah,waxaana kormeerkiisa ku wehliyay guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka, habdhowraha golaha iyo qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka.

Hoos ka Dhageyso Codka

LEAVE A REPLY