Dhageyso Maamulka Galmudug oo Faah Fahin ka Bixiyay Sababta Ra,iisul Wasaare Kheyre...

Dhageyso Maamulka Galmudug oo Faah Fahin ka Bixiyay Sababta Ra,iisul Wasaare Kheyre uu u Tagayo Magaaalada Hobyo

0
SHARE

Xasan Cali kheyre Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in  uu ado Magalada Hobyo,isaga oyo wafdi uu hoggaaminayo sida ay  Hobyomedia  u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha uu ku tegayo Magalada Hobyo ayaa waxaa ku wehlin doona Xubno ka socda labada Golle ee dowladda Soomaaliya waxana Hobyo ka socda diyaar garow ku aadan soo dhaweynta Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka Dekadaha Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maamulka Galmudug Maxamed Aadan Qalab-Xoor oayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare kheyre uu xariga ka jari doono dhimsaha Wadada isku-xirta Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo oo dib-udhis lagu sameeyay,iyo sidoo kale mashaariic kale oo halkaasi laga fulinayo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in amniga Magalada Hobyo aad loo adkeeyey,isla markaana ay ka qeyb qaadanayaan Ciidamada dowlad goboleedka Galmudug.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Wasiirka Dekadaha Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maamulka Galmudug Maxamed Aadan Qalab-Xoor.

LEAVE A REPLY