Dowladii ugu Horeysay ee Yurub oo Dadkeda inka badan 1 milyan...

Dowladii ugu Horeysay ee Yurub oo Dadkeda inka badan 1 milyan oo qof oo iska joojiyeen Cabista Sigaarka

0
SHARE

Dalka France waxaa hoos u dhacay tirada dadka Balwadda leh gaar ahaan cabista Sigaarka iyo adeegsiga Tubaakada kale.

Warbixin ay shaacisay dowladda ayey ku sheegtay in dad ka badan Hal Milyan oo qof ay iska joojiyeen adeegsiga Tubaakada guud ahaan intii u dhaxeysay 2016/2017.

Waaxda adeegga caafimaadka France oo daraasaddan sameysay ayaa sheegtay in hoos u dhaca ku yimid dadkan  aan sidan oo kale la arag 10kii sano ee la soo dhaafay.

Sanadihii la soo dhaafay waxaa dalka France ayaa waxaa ku badanayay dadka iska joojinaya Sigaarka laakiin u beddelanaya Tobaakada kale.

Sanadkii 2017,waxaa uu hoos u dhucu gaaray 26.9%,iyada oo dadkaas ay da’dooda u dhaxeyso 18 ilaa 75 jir.

Warbixinta Waaxda Caafimaadka waxaa ay ku sheegtay in dadka Balwadda leh ee Frnace ay sanadkii 2016kii ahaayeen  13.2 Milyan halka hadda ay marayaan  12.2 milyan, taas oo ka dhigan in sanad gudahii hal Milyan oo qof ay iska joojiyeen adeegsiga Tobaakada.

Wasiirka Caafimaadka France,  Agnès Buzyn ,ayaa soo dhaweysay hoos u dhaca ku yimid dadka adeegsada Tobaakada kala duwan.

Hay’adaha dhinaca caafimaadka ee u ololeeya ka hortagga Tubaakada ayaa sheegaya in Adduunka oo dhan 10kii qofba qof ka mid ah uu u dhinto Tobaakada.

Kala bar dadka u dhinta Tobaakada waxaa ay ku noolyihiin afar dal oo kala ah; India, the US a iyo Russia, sida ay baahisay Lancet.

Dabagal dalkasta oo Caalamka ku yaalla lagu sameeyay waxaa lagu ogaaday in dhoofinta Tobaakada hadda laga dhoofiyo dalalka Faqriga ah loona wareejiyay dalalka dakhligoodu yaryahay

LEAVE A REPLY