Madaxweyne Farmaajo ” waan awoodi weynay Joojinta dagaalka Tukeraq

Madaxweyne Farmaajo ” waan awoodi weynay Joojinta dagaalka Tukeraq

0
SHARE

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maanta oo Jimco ah ka hadlay Masaajid ku yaala Madaxtooyada Soomaaliya ayaa mar kale ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda deegaanka Tukeraq ee gobalka Sool.

Madaxweynaha ayaa Puntland iyo Soomaaliland ka dalbaday iney joojiyaan dagaalka, sidoo kale Wiilasha dagaalamayo ayuu ka dalbaday in Bishaan ramadaan ay ka faa’ideestaan oo aysan macno darro udiidan dhiigooda.

” waqti badan iyo dadaal xoog leh ayaa ku bixinay sidii aan u joojin laheyn dagaalkaasi, balse nooma suurta gelin wax aan ka hagranay maleh oo awoodeyna ah” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “waxaa meesha ka maqan awoodii Dowladnimo oo aheyd inaa Ciidamo kala dhax dhigno dhinacyada dagaalamaya mana fududo maanta arintaasi, sidaas darteed waxaan codsanagaa in dagaalka la joojiyo, cid kastana ay ka qeyb qaadato joojinta dagaalkaasi” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Tukeraq ayaa wali waxaa ka taagan xiisad iyo dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay wadaan Labada dhinac ee Soomaaliland ee Puntland.

LEAVE A REPLY