Madaxweyne Xaaf oo Dagaalka ka socda Degaanka Tukaraq ku Edeeyay in uu...

Madaxweyne Xaaf oo Dagaalka ka socda Degaanka Tukaraq ku Edeeyay in uu Mas’uul ka yahay Muuse Biixi

0
SHARE

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa si kulul uga hadlay Dagaalkii ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, oo ay weli isku horfadhiyaan Ciidamada Maamulada Puntland iyo kuwa Soomaaliland.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf, madaxweynaha Galmudug ayaa waxa uu sheegay in xiisada dagaal ee ka taagan deegaanka Tukaraq,ay sababtay in Dad shacab oo fara badan in ay Degaanada Gobolka Sool ay ka barakacayaan,waxa uuna hoosta ka xariiqay wax faaido ah uusan keyneenin Dagaalka,islamarkaana waxa uu ku baaqay in la joojiyo maadama ay ku dhimanayaan dad Shacab ah oo aan waxba galabsan.

Dhanka kale Madaxweynaha Dowlada Goboledka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa waxa uu Dagaalka ka socda Degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ku eedeeyay in uu masuul ka yahay Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi,islamarkaana sida uu tilmaamay in Ciidamada Soomaaliland ay weerar ku soo qaadeen Degaano hoos yimaada Maamulka Puntland.

Wixii Warar ah oo ku soo kordha dib ayan idin kaga soo gudbin doona

LEAVE A REPLY