Qorsihii shabaab Muqdisho looga sifeyn lahaa oo la diyaariyay

Qorsihii shabaab Muqdisho looga sifeyn lahaa oo la diyaariyay

0
SHARE

Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa kordhisay tirada Ciidanka dharka cadka ee nabad sugida Soomaaliya,kuwaasi oo ka howlgala magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Mid ka mid ah dhalinyarada Ciidanka dharka cadka oo si hoose inoola hadlay ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hadda howlgelisay in ka badan 300-dhalinyaro dhar cad,kuwaasi oo loogu talagalay iney ka hortagaan dhagarta Al-Shabaab maleegayaan iyo dhalinyarada bastooladaha wax ku dila.

Ciidanka ugu badan waxaa la geeyay Suuqa ugu weyn ganacsiga Soomaaliya ee Bakaraaha,halkaasi oo inta badan ay ka dhacaan dilalka qorsheysan ay geystaan Kooxaha Daacish iyo Al-Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dooneysa in xilligan ay ka guuleysato Amni darada ka jirta Muqdisho,Qaraxyada iyo dilalk qorsheysan ee dhaca,waxaana sare loo qaaday sugida Amniga magaalada Muqdisho.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre,ayaa ku canaantay Hay’adaha Ammaanka iney ka adkaadaan sugida amniga haddii kale iyagu xisaab adag la marsiin doono.

Al-Shabaab ayaa sheegtay iney kordhineyso falalka lidi ku ah ammaanka ay ka fulineyso magaalada Muqdiho,balse Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heegan la geliyay.

LEAVE A REPLY