R/W Kheyre oo Indhihiisa kusoo arkay waxyeeladii uu geestay Roobkii Muqdisho (Daawo...

R/W Kheyre oo Indhihiisa kusoo arkay waxyeeladii uu geestay Roobkii Muqdisho (Daawo Sawirro)

0
SHARE

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ay wehliyaan Wasiirka Amniga, Duqa Muqdisho iyo qaar kamid ah Taliyaasha ciidanka dowlada ayaa xalay booqday goobo la dejiyay qaar kamid ah dadkii uu saameeyay roobkii Muqdisho.

Dadkan ay waxyeelado kasoo gaartay roobka Muqdisho biyana ugu galeen guryahooda ayaa la dejiyay goob KMG ah, waxaana dadkan oo ah kuwa masaakiin ah u baahan yihiin gurmad deg deg ah.

Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa maamulka gobolka Banaadir iyo Hay;adaha samafalka ugu baaqay in ay deg deg wax ugu qabtaan dadka uu saameynta xoogan kasoo gaaray roobkii xooganaa ee Muqdisho ka da’ay.

Ugu dambeyn Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya iyo xubnihii la socday ayaa kormeer ku maray qaar kamid wadooyinka Muqdisho si ay usoo qiimeeyaan saameynta iyo bur burka uu jidadka u geestay roobka.

LEAVE A REPLY