Sawirro Madaxa Xukuumadda Galmudug Oo Dhuusmareeb Uga Qeyb Galay Daah Furka Imtixaanka...

Sawirro Madaxa Xukuumadda Galmudug Oo Dhuusmareeb Uga Qeyb Galay Daah Furka Imtixaanka Shahaadiga Ah Ee Dugsiyada Sare

0
SHARE

Magaalada Dhuusamareeb Ee Caasimadda Dowlada Galmudug Ardadan Gaaraysa 138 Arday ayaa Maanta u fariistay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare kaa soo ay qaadayso Wasaarada Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Ee Dowladda Somaaliya

Ardada Ayaa ka kala yimaadeen Dugsiyadda  Sare ee Magaalada Dhusamareb ku waasoo isugu jira Wiilal iyo

Gabdho waxa ayna u diyaarsanaayeen inay galaan Imtixaanka iyadoona Goobta loogu qaybiyey Kaararka Aqoonsiga Imtixaanka.

Madaxa Xukumadda Galmudug Sh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa soo gaaray Halka uu ka dhacayo Imtixaanku isagoona Dhiiri galin u sameeyey Ardayda waxaana Wehlinayey Gudoomiyaasha Degmada iyo Gobolka waxaana si wada jir ah u Bogaadiyey Ardayda Gudoomiyaha Degmada iyo Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud.

Sh Maxamed Shaakir Cali Xassan Madaxa Golaha Wasiirada Galmudug ayaa waxa uu ardayda kula dardaarmay inay dadaal muujiyaan si ay uga Gun

gaaraan Natiijo lagu farxana ay u keenaan.

Imtixaanka ayaa si wada jir ah loogu fariisanayaa Dhammaan Deegaanada Galmudug waana Sanadkii Sadaxaad ee uu ka dhacayo Gobolka kaasoo ay qaadayso Wasaarada Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dalka.

LEAVE A REPLY