War Dag Dag ah Xiisad Colaadeed oo ka taagan deegaanka Xeraale ee...

War Dag Dag ah Xiisad Colaadeed oo ka taagan deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud

0
SHARE

Laba maleeshiyo Beeleed oo ku dagaalamay duleedka deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa maanta wada dhaq dhaqaaq ciidan, taas oo dadka deegaanka ku beertay cabsi xoogan.

Dagaal xoogan oo muddo dheer socday ayaa shalay ka dhacay deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud, dagaalka waxaa ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Isbitaalka magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa la gaarsiiyay 14 ruux oo ku dhaawacantay dagaalkaasi shalay ka dhacay deegaankaasi.

Dadka deegaanka oo la hadlay  Hiobyomedia  ayaa sheegay in ay jiraan khasaaro oo dhimasho iyo dhaawacba leh inkastoo aysan xaqiijin Karin inta ay la egtahay khasaaraha dhabta ah ee jirta.

Mahad Xasan Maxamed Wasiir Kuxigeenka Amniga maamulka Galmudug ayaa sheegay in Ciidamo Loo diray deegaanada ay ka taagan tahay xiisada colaadeed kuwaas oo kaladhax gali doono maleeshiyadii dagaalantay.

LEAVE A REPLY