Warar Cusub oo ku Saabsan Xildhibaan Lagu Toogtay Magaaalada Gaalkacyo iyo Cidii...

Warar Cusub oo ku Saabsan Xildhibaan Lagu Toogtay Magaaalada Gaalkacyo iyo Cidii Dilkaasi ka danbeysay

0
SHARE

Faah Faahino Cusub aya ka Soo baxaya Dil ka dhacya Magaalada Gaalkacyo Halkaasi oo agu dilay Mudane ka Tirsan Barllamaanka Maamulka Puntland kaasi oo laga soo dooran jiray Gobalka Mudug .

Xildhibaanka oo Magaciisa lagu sheegay Cabdixakiin Macalin Daahir ayaa la sheegay in lagu dilay banaanka Hotel uu leeyahay ee Clasic ee Waqooyiga Magalada gaalkacyo.

Xildhibaan ayaa markii hore goobjoogayaal waxa ay sheegeen in  dhaawac ahaan loogu qaaday Isbitaalka Gaalkacyo,balse uu geeriyooday.

Sidoo kale rasaastii lagu riday xildhibaanka ayaa waxaa ku dhaawacmay mid ka mid ah ilaalada Hotelka.

 Sarakiil ka Tirsan Maamulka Puntland ay shegya in dilalka nuucan oo kale ah ay fuliyaan Maleeshiyaadka alshabab oo dilal kala duwan ka geesta gudaha soomaliya .

Waqooyiga Mgaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay gabaad u tahay maleeshiyaadka alshabab waxana mar waba ay hakaasi ka geestaan dilal kala duwan iyadoona hawulgaada inta badan ka dhaca gobalka mudug hakaasi laga soo agaasimo madama ururka alshabab ay hakaasi ku leeyihiin fariisimo qarsoon oo aysan ka war qabin maamulka puntand

LEAVE A REPLY