XOG: C/wali Gaas iyo Axmed Madoobe oo isku baheysanaya qorshe ka Dhan...

XOG: C/wali Gaas iyo Axmed Madoobe oo isku baheysanaya qorshe ka Dhan ah Dowlada Somaliya , iyo Madaxweyne Xaf oo Wali aysan cadayn Go,aankiisa

0
SHARE

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa ku mashquulsan sidii ay uga madax banaanaan lahaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya,islamarkaana ku geli lahaayeen Heshiisyada caalamiga ah.

C/wali Gaas,madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in qandaraaska lagu helo magaca Soomaaliya oo Shacabka Puntlandna ay xaq u leeyihiin aanay helin kuna boobma magaalada Muqdisho.

Sidoo kale,Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay ineysan Dowladda dhexe xaq u lahayn iney hor istaagto horumada maamul Goboleedyada kana diido iney galaan heshiisyo cidii ay u arkaan iney ka shaqeyso dantooda.

Khilaaf xooggan ayaa haddan dhex yaala Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah Maamul Gobolleedyada,gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland oo isku gaashaanbuureysanaya Dowladda,islamarkaana garab ka helaya Dowladda Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne xaaf ayaa la shegaya in uu ku wareersan yahay qaabka ay wax u wadaan madaxweynaha jubland iyo madaxweynaha maamulka puntland waxana la soo shegaya in labada dhinac ay isku  raaci waayen qodobo ka mida kuwa labada dhinac ay ka wada hadlayaan

Wax yabaha ay ka mideynsan yihiin aya waxa ka mida qorshaha qaybsiga awooda qayraadka oo madaxda maamul gobaledyada ay u arkaan in dowlada dhexe ay dowlad gobaledyada iyo dowlada dhexe ay u wada qaybsiyo khayradka dalka amdama sida ay shegayan  ay dowlad gobaledyada intooda badan xukumaan  gobalada dalka

Shalay ayay ahayd Markii madaxda Dowlad Gobaledyada marii uu shira muu bilabaay ay hadalka ka bilaabeen edeyn loo jeediyay dowlada dhexe ee somaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u dheg taageysa shirka ka socda magaalada Baydhabo,kaasi oo maamul Goboleedyada uga hadlayaan xaaladda dalka sida ammaanka iyo xasiloonida dalka.

LEAVE A REPLY