XOG CUSUB : Al-Shabaab oo cabsi geliyay Ergada soo xulay Baarlamaanka &...

XOG CUSUB : Al-Shabaab oo cabsi geliyay Ergada soo xulay Baarlamaanka & dilal ka bilowday Muqdisho

0
SHARE

War ka soo baxay Ururka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in xalay magaalada Muqdisho ay ku dileen mid ka mid ah Ergadii soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya,kaasi oo lagu dilay degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir.

Kooxo hubeysan oo hoostaga Al-Shabaab ayaa dilay Suleymaan Foolyare oo ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada ka soo xulay dhanka Maamulka Koonfur Galbeed ee fadhigiisu uu yahay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegtay iney sii kordhinayaan beegsiga Ergadii soo xulay Xildhibaanada Baarlamanaka Soomaaliya,waxayna wacad ku mareen iney ku beegsan doonaan meel kasta oo ay joogaan.

Dhanka kale,waxay cabsi xooggan la soo deristay ergada qaarkood oo ku sugan magaalada Muqdisho,waxaana wararka qaar oo ay heleyso Warqaad.com ay sheegayaan iney ka soo guureen degmooyinka fog fog ee magaalada kuna soo uruureen deegaanada Dowladda ay ku xooggan tahay ee magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY