XOG CUSUB: Dowlada Turkiga oo Madaxweyne Farmaajo ku Qalqaalineysa inuu ka Taqaluso...

XOG CUSUB: Dowlada Turkiga oo Madaxweyne Farmaajo ku Qalqaalineysa inuu ka Taqaluso Imaaraadka

0
SHARE

 Warar hoose oo ay heleyso Hobyomedia.com .com ayaa sheegaya in Masuuliyiin ka socda Dowlada Turkiga oo ku sugan magaalada Muqdisho ay ku qancinayaan Madaxweynaha Soomaaliya inuu xiriirka u jaro Dowlada Imaaraadka.

Dowlada Turkiga ayaa balanqaaday in ay dabooleyso Mashaariicda ay dalka ka heysay Imaaraadka, balse dowlada Dowlada Federaalka Soomaaliya laga doonayo inay ku dhawaaqdo go’aanka ay dalka kaga saareyso Imaaraadka.

Xiisada Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa cirka isku shareertay ka dib markii Imaaraadka ka guuray Muqdisho, iyadoo sidoo kale aysan jirin dowlado ku howlan xal u helida khilaafkan inkastoo Sacuudiga uu iska dhigo inuu xalin doono arintan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka codsaday Wafdiga Turkiga uu la kulmay in xiisadan uu waqti siiyo hadii wada hadalada ugu dambeeya uu la leeyahay Imaaraadka ay natiijo kasoo bixi weyso wuxuu balanqaaday inuu xiriirka u jari doono

LEAVE A REPLY