XOG; MD Xaaf oo Culeys siyaasadeed kala kulmaya Xafiiska RW Kheyre &...

XOG; MD Xaaf oo Culeys siyaasadeed kala kulmaya Xafiiska RW Kheyre & Qorshe xilka looga qaadayo oo socda

0
SHARE

Warar ay heleyso Wakaaladda Wararka Hobyomedia ayaa sheegaya in Xukuumada Soomaaliya ay culeys siyaasadeed saareyso Maamulka Galmudug uu maadxweynaha ka yahay Axmed Ducaale Geele Xaaf.

Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa la sheegayaa inuu diyaarinayo qorshe mar kale culeys siyaasadeed lagu saarayo madaxweynaha Galmudug,waxaana sida wararka ku heleyno lagaga gol leeyahay in lagu damciyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo xooggaa u jan jeero Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Galmudug ayaa qudhiisa laga dareemayaa inuu jiro Culeys Dhanka Xukuumadda ah oo saaran,waxaana jirin xiriir wanaagsan oo hadda Xukuumadda Soomaaliya kala dhaxeeyo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sida aan xogta ku heleyno waxay sheegayaan inuu wada hadal la leeyahay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Maamulka Galmudug ayaa inta badan lagu xusuustaa siyaasadii cakirneyd ee ka dhex taagneyd madaxweynaha iyo Xildhibaanada.

LEAVE A REPLY