XOG: Sirdoonka DF oo qorshe cusub ay kaga hortagayaan u degay dilalka...

XOG: Sirdoonka DF oo qorshe cusub ay kaga hortagayaan u degay dilalka qorsheysan ee Muqdisho ka geystaan Daacish

0
SHARE

Sirdoonka Soomaaliya ayaa badinaya wardoonkooda magaalada Muqdisho ka dib markii ay soo if baxday arrin cusub oo qatar ku ah jiritaanka Dowladnimada,shaqaalo iyo mas’uuliyiinta Dowladda.

Kooxda Daacish oo ka dagaalanta Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Puntland ayaa hadda bilowday iney dilal qorsheysan oo nuuc cusub ah ka bilowdo magaalada Muqdisho.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa ka naxsan Tallaabada cusub ee Muqdisho ku soo kordhay oo qatar ku ah Amniga,waxayna isla dhexmarayaan dil shalay ka dhacay Muqdisho oo ay sheegteen Mas’uuliyadeeda Kooxda Daacish.

Ciidanka Dharcadka ee Nabad sugida ayaa maanta Muqdisho ku dilay Labo Wiil oo looga shakiyay iney qorsheynayeen dilal qorsheysan,maadama Bastoolado ay siteen.

Shalay ayey ahayd markii suuqa Bakaraaha lagu dilay Askari ka tirsan Ciidanka Taraafikada kaas oo ay dilkiisa sheegatay kooxda Daacish.

Laamaha amaanka magaalada Muqdisho ayaa feejignaan dheeri ah ku jira,waxayna doonayaan iney si haboon kaga fal celiyaan falalka lidi ku ah ammaanka.

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.