XOG Xildhibaano Galmudug ka socda oo la kulmay Odoyaasha Dhaqanka ee Beesha...

XOG Xildhibaano Galmudug ka socda oo la kulmay Odoyaasha Dhaqanka ee Beesha Reer Xaaji Saleemaan ee Cadaado Maxase la isku Afgartay ?

0
SHARE

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cali Ciise oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo la hadlay Idaacadda Mustaqbal ayaa ka warbixiyay kulamo ay la qaateen Qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Cadaado.

Ujeedka kulamadooda waxa uu ku sheegay in ay tahay qancinta Odoyaasha Magaalada oo ka ashtakooday Heshiiskii Magaalada Cadaado ee ay la galeen Maamulka Galmudug Bishii Janaayo ee Sanadkaan.

Heshiiskaas ayaa ahaa in Magaalada Cadaado uu ku sameeyo Baarlamaanka Galmudug, halka qeybaha kale ee Maamulkuna uu ku shaqeynayo Magaalada Dhuusamareeb.

Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa ka qeyb galayaasha shirka sheegay in ay kasoo jeedaan Deegaanka, ayna ku wehliyaan Wasiiro isla reer Cadaado ah.

Guulo ayuu tibaaxay in ay ka gaareen ujeedka kulankooda oo ahaa in la dhageysto Talada iyo Cabashooyinka Bulshada Cadaado Degta.

Dhanka kale waxa uu sheegay in Berri isla Magaalada Cadaado uu ka furmayo Wajiga labaad ee Kulamadooda.

Qeybtaan waxa uu Xildhibaan Cabdiraxmaan Cali Ciise sheegay in ay ka madax banaan yihiin Xubnaha ku lugta leh Siyaasadda, uuna u gaar yahay Dhaqanka iyo Bulshada Rayidka.

Waxa uuna rajo wanaagsan ka muujiyay in Wadatashiyada Berri bilaabanaya ay kasoo bixi doonaan waxyaabo dan u ah Dadka Deegaanka.

Madaxweynaha Galmudug iyo Odoyaasha dhaqanka Magaalada Cadaado ayaa heshiis uu goob joog ka ahaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya isku afgartay In Baarlamaanka Galmudug uu ku shaqeyn doono Magaalada Cadaado, kulamadii ugu dambeeyay Baarlamaanka ayaa ku shaqeynayay Magaalada Dhuusamareeb.

LEAVE A REPLY