Xulka Ciyaartoyda 17-jirada Somalia oo dalka ku soo laabtay & RW khayre...

Xulka Ciyaartoyda 17-jirada Somalia oo dalka ku soo laabtay & RW khayre oo soo dhoweeyey (Daawo Sawirro)

0
SHARE

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Garoonka Dayuuradaha Aadan cadde ku soo dhoweeyay xulka Ciyaartoyda 17-jirada Soomaaliya oo Guul Taariikhi ah ka soo hoyay Tartankii CECAFA ee lagu qabtay dalka Burundi.

Kheyre oo ay wehliyaan Wasiiro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale ayaa si wanaagsan u soo dhaweeyay Da’yarta Qaranka Soomaaliya, iyagoo ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ah ee ay gaareen.

Tartanka bariga iyo bartamaha afrika ee CECAFA ayaa waxaa ka qeyb galay siddeed dal oo kala ah Burundi, Uganda, Kenya, Tanzania, Zanzibar, Ethiopia, Sudan iyo Soomaaliya, waxaana koobka ku guuleystay Tanzania oo Xulka Qarankeena Ciyaartii Finalka kaga adkaaday 2-0 inkastoo bandhiga iyo awooda ciyaarta ay gacanta ku hayeen Da’yarta dalkeena, waxayna Soomaaliya sidaas ku gashay Kaalinta labaad.

Waa markii ugu horeysay ee ciyaartoy Soomaaliyeed ay guul taariikhi ah oo heerkaas gaarsiisan ka keenaan tartamada dibeda muddo 28 sano ah.

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.