Akhriso Sababta xildhibanadii ahlusuna ay cadado u tagi wayeen iyo khillafkii...

Akhriso Sababta xildhibanadii ahlusuna ay cadado u tagi wayeen iyo khillafkii labada dhinac waxa ku soo kordhay

0
SHARE

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ka furay kalfadhiga Baarlamaanka maamulkaasi.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in Baarlamaanka Galmudug ay kulamadooda ay ka dhici doonaan magaalada Cadaado sida horayba loo qorsheeyay sida uu yiri guddoomiyahu.

Kulanka Baarlamaanka Galmudug ayaa imaanaya xili ay taagan tahay kala aragti duwnaasho soo kala dhax gashay madaxda ugu sareysa maamulkaasi.

Kuwaas oo kula aragti duwan qaabkii loo mideeyay Maamulka Galmudug iyo Ahlu sun

Sababta Baramankii ahlusuna dhanka Galmudug ka soo galay ay kulnka uga soo qyab gali wayeen aya lagu shegay in gudoomiyaha barlamanka galmudug uu diiday in uu aqoon san yahay xildhibanadaasi waxana arinta ay ka sii dartay markii cadaado kulanka uu ka furay iyadoo ay meesha ka maqan yihiin garabkii kale ee ahllusuna

Dadka siyaasada falanqeeya aya u arka arintan in ay sii hurinayso khilaafka madaxda maamulka galmudug u dhaxeya isla markana ay keeni karto dib u dhacyo kale madama arinta hada taagan horay wada hadalo looga galay oo horay looga heshiiyay

Xubno ka tisan xafiiska madaxweyne xaaf aya hobyomedia u shegay in dhanka madaxweyne ku xigeenka galmdug ay doonayan in meesha laga saaro jagooyin iyo xildhibano farbadan oo ahlusuna dhankooda ay keensadeen iyadoo adeegsanaya awood qaybsiga iyo heshiiskii mideynta ahlusuna iyo galmudug

Dhanka madaxweyne ku xigeenka galmudug ayaa iyagana ku doodaya in ahlusuna ay afduubteen awoodii gud ee galmudug isla markana dhalinro xer ah la hoos geeyay siyaasadii iyo masiirkii shacabka galmudug

Madaxweyne xaaf aya  hada waxa saaran culaysyo kala duwan madama labada gole ee aqalka barlamanka somaliya ee galmudg laga soo  doorto ay culayso badan soo saareen madaxweyne xaaf

 

LEAVE A REPLY