Beesha Calamka oo War kooban ka soo Saartay Shirkii Baydhabo ee Madaxda...

Beesha Calamka oo War kooban ka soo Saartay Shirkii Baydhabo ee Madaxda Dowlad Gobaledyada iyo Dowlada dhexe

0
SHARE

owladaha Taageera Soomaaliya ayaa si wada jir ah u soo dhaweeyey go’aanadii ka soo baxay shirkii magaalada Baydhabo ay ku yeesheen madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya,kuwa Dowlada Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir,kaasi oo looga hadlayay xaaladda guud ee dalka.

Wadamada Mareykanka,Midowga Afrika,Yurub, IGAD, Ethiopia,Talyaaniga,Norway, Sweden, iyo Dowladda Biritain ayaa si wada jir ah u sheegay in ay taageerayaan go’aankii ka soo baxay shirkii amniga ee ka dhacay magaalada Baydhabo.

War ay si wada jir ah u soo saareen ayay ku sheegeen in ay siweyn ula dhacsan yihiin go’aanadaasi oo isugu jiray kuwo quseeyey amniga guud ee dalka,dhanka siyaasadda dib u dhiska iyo doorashooyin ka dhaca dalka sanadka 2020.

Beesha caalamka ayaa ku boorisay dhinacyada heshiiskaasi gaaray,waa dowladda Soomaaliya,dowlada goboleedyada iyo Gobolka Banaadir in ay dedejiyaan sidii loo hirgelin lahaa waxyabihii lagu heshiyay,islamarkaana la dhameystiro geedi socodka dib u eegista Dastuurka,loona diyaar garoobo shirkka dhawaan ka dhici doona magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium.

Shirkaasi oo socondoona June 25- ilaa 26 ayaa diiradda lagu saaridoonaan arrimaha Soomaaliya,iyadoo ay siwada jir ah u hoggaaminayaan Soomaaliya,Midowga Yurub.

Ugu dambeyntii Beesha caalamka ayaa sheegtay in Soomaaliya ay qaaday talaabo horumar leh oo dhanka dhaqaalaha,islamarkaana bogaadiyay in la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah ee dhaqaalaha adduunka.

LEAVE A REPLY