Burcad badeeda Somalida oo sii daayay Ajaaniib mudo u Afduubnaa(Ogow Sababta lagu...

Burcad badeeda Somalida oo sii daayay Ajaaniib mudo u Afduubnaa(Ogow Sababta lagu sii daayay)

0
SHARE

Kooxaha Burcad-baddeeda ayaa la sheegay inay maanta sii daayeen 4 kalluumeysato u dhalatay Iiraan oo ay afduub u haysteen.

Sarkaal Iiraani ah ayaa xajiiyey in la sii daayey Kalluumeysatadaasi oo deegaan ahaan ka soo jeeda K/bari ee Iiraan.

Agaasimaha Maareynta ee Ururka Kalluumesyatada Gobalka Sistan Balujistaan ee dalka Iiraan, Hadiyatullaahi Mirmoradezehi oo la hadlay Wakaalladda Wararka Iiraan (IRNA) ayaa sheegay in Kalluumeysato badan oo lagu afduubtay Xeebaha Somalia la sii daayey Sannadihii la soo dhaafay.

Dhinaca kale, waxa uu tilmaamay in 4-ta Kalluumeysato ee maanta la sii daayey ay dib ugu laabeten Iiraan,  kuwaasi oo ka midahaa 20 Kalluumeysato oo afduub loogu haystay Somalia tan iyo sannadkii 2015-kii.

Mas’uulkaasi waxa uu ugu dambeyntii sheegay in 16 Kalluumeysato oo la sii daayey ay haatan ku sugan yihiin magaalladda Nairobi, lana filayo inay maalmaha soo soda dib ugu laabtaan dalkooda hooyo

LEAVE A REPLY