Daawo Sawirada Maandooriyaha loo Yaqaano (Xashiish ka ) oo lagu...

Daawo Sawirada Maandooriyaha loo Yaqaano (Xashiish ka ) oo lagu gubay Hobyo

0
SHARE

Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan degmada Hobyo ayaa xalay gacanta ku dhigay 150 kiilo oo maandooriyaha Xashiiska oo lagu soo qariyey gaari u socday magaalada Galkacyo. Maandooriyahaan ayaa laga keenay Magaalada Muqdisho, waxaana si dhuumaaleysi ah lagu soo marsiiyey deegaanada ay maamulaan ururka Alshabaab.

Ciidmada Milatariga Aagga Bari oo ka warhelay arintaan ayaa gaari siday ku qabtay deegaanka Qararow ee duleedka Hobyo, waxaana maandooriyahaan maanta lagu gubay meel fagaare ah.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Aagga bari Dhamme Cabdinuur Cabdullaahi Cali (Ashqaal) oo ay ciidankiisu soo qabteen maandooriyaha ayaa goobta ka sheegay in ay u suurtagashay in gacanta ku dhigaan maandooriyahaan.

Dhanka Taliyaha Howlgalka Booliska Hobyo Xidigle Cabdi Naasir siciid ayaa shacabka Hobyo uga mahad celiyey sida ay ula shaqeeyaan ciidamada Ammaanka.

Maamulka Degmada iyo Taliska ciidamada ayaa si wadajir ah u gubay maandooriyahaan, iyagoo uga digay dadka ka ganacsada maandooriyaha gacan bir ah ku qaban doonaan.

LEAVE A REPLY