Daawo Sawirada Saraakiil Shabab ah oo la Raadinayo Kadib Markii Sawiradooda la...

Daawo Sawirada Saraakiil Shabab ah oo la Raadinayo Kadib Markii Sawiradooda la Helay

0
SHARE

Boliiska Dalka Kenya ayaa baadi goob ugu jira Salim Aboud Sultri, oo loo yaqaan “Survivor” kaas oo la sheegay inuu yahay Nin Hubeysan oo khatarna ku ah ammaanka.

Bayaan kasoo baxay laamaha ammaanka Dowladda Kenya Arbacadii Todobaadkan ayaa lagu sheegay in Mr; Sultri uu ku dhuumaalaysanayay Masjidka , Mlango Wa Papa oo ku yaalla Magaalada Mombasa, kaasoo baxsady markii uu ogaaday in laga war helay.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in Salim Aboud Sultri , uu si dhow ula shaqeynayay Nin lagu Magacaabo, Ramadhan Rai Tsungu , kuna Magac dheer (Rambo) kaasi oo la waayay halka uu jaan iyo cirib dhigay.

Booliska ayaa intaa ku daray in Labada Nin loo malaynayo inay u socdaaleen Soomaaliya, Khatarna ku hayaan ammaanka maaddaama ay Hubeysan yihiin

Waxaa la adkeeyay goobaha lagu baaro Gaadiidka, waxaana feejignaan sare la geliyay laamaha ammaanka, iyadoo Dadka lagu war geliyay inay soo sheegaan haddii ay helaan xog ku saabsan Ragga la baadi goobayo.

LEAVE A REPLY