Daawo Sawirada Wasaarada Waxbarashada Galmudug Oo Bandiiradley ka Dhagax Dhigtay Xarunmo...

Daawo Sawirada Wasaarada Waxbarashada Galmudug Oo Bandiiradley ka Dhagax Dhigtay Xarunmo Waxbarasho

0
SHARE

Xubno ka Socday Wasaarada Waxbarasha hidaha iyo Tacliinta Sare Galmudug ayaa maantay ka Dhagax Dhigay Degmada Bandiiradley Ee Gobolka Mudug xarun wax barasho oo lugu talagalay in wax lugu baro Da yarta ku Dhaqanka Degmada iyo Nawaaxigeeda.

Goobta Dhagax Dhiga ayaa waxaa ku Sugnaa Wasiir ku Xigeenka Wasarada Garsoorka  iyo  Cadaalada Galmudug Maxamuud Guure Guuleed iyo Wasiir Dowlaha Waxbarashada Galmudug Burhaan Warsame Cigaal xubno kale Oo ka Socday Qurba joogta Galmudug Oo Dhawan soo Gaaray Degmada.

Ugu Horeyn waxaa meesha ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Bandiiradley Ee Gobolka Mudug Cabdi Risaaq Axmed Jaamac waxuuna uu sheegay in Degmadu u Baahan tahay Xarumo Badan Oo waxbarasho ah Sida Loo Koriyo Hormarka Degmada Bandiiradley.

suldaan Cabdi Gelle Jaamac Cabdulle Suldan Qaamus ayaa isna ka hadlaymadasha wuxuuna Tilmaamay in Deeganada hoos Yimaada Degmada Bandiiradley Dadka ku Nool ay wax badan U Tari Doonto Xaruntan.

Sheikh Cabddi Rashiid Koofi Erag oo ah Nin u istaag inuu hirgaliyo
xaruntaan ayaa Codsaday in Laga Caawiyo Dhismaha intii Wax Aado.

Ugu Danbeyntii Waxaa Goobta ka Hadlay Wasiir Dowlaha WasaaradaWaxbarashada Galmudug Burhaan Warsame Cigaal ayaa sheeca ka qaaday in Wasaaradu ay Door Muhiim ah ku Yeelan Doonto Dhismaha iyo Dhameystirka
Xaruntaan

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.