(Daawo Sawirro) Naqshada cusub ee lacagta ay soo daabaceyso dowlada Somalia oo...

(Daawo Sawirro) Naqshada cusub ee lacagta ay soo daabaceyso dowlada Somalia oo la soo bandhigay

0
SHARE

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho waxa uu faahfaahiyay wixii u qabsoomay bishii tagtay wasaaradda Maaliyadda.

Wasiir Beyle waxa uu sheegay Bankiga aduunka iyo hay’adda  lacagta aduunka inay ku qanceen hufnaanta nidaamka maaliyadda dalka, ayna ka gudbeen wajiga labaad ee habka deen cafinta Soomaaliya, isagoo sheegay in iminka  laguda galay wajigii ugu dambeeyay ee deen cafinta oo ay horyaalaan shuruudo hor leh.

“Laba Arrimood ayaa noo suura galay, waa tan koowaadee waxaan soo gaba gabeynay wajigii labaad oo warqadina ay kasoo baxday la leeyahay Soomaalidu wey kasoo baxeen, waxaa taasi noogu xigay in uu inoo bilowday wajigii sadexaad oo aan fileyno inuu yahay kii ugu dambeeyey oo hadii aan ka gudubno aan kamid noqoneyno aduunyada kale”ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaiya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa tilmaamay in hagaajinta maamulka Maaliyadda Soomaaliya ay sababtay in Bankiga aduunka ay sanadkaan  ugu yaboohaan Soomaaliya  140-milyan oo doolar  halka midowga yurubna ay ku deeqeen 100M.

Wasiirka Maaliyadda waxa uu tilmaamay inay hubinayaan sida ay ku yimaadeen deymaha lagu leeyahay Soomaaliya ayna la xiriireen dalalka deymahaasi sheegtay.

Mideynta canshuur qaadista hey’adaha dowladda oo qeyb ka ahaa sharuudaha deyn cafinta ayaa ka mid ah waxyaabaha wasaaradda maaliyadu ay ku guuleysatay

“Shuruudaha ugu adag ee ugu waaweynaa waxa weeyaan inaan kordhino dakhliga wadankeena Gudihiisa kasoo xarooda”ayuu intaasi raaciyey wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirku  waxa uu intaa ku daray in ciidanka iyo Howl-wadeenada safaaradaha inay hubinayaan inay akoono ku qaataan mushaaraadkooda si loo xaqiijiyo inaan lacago kaash ah gacanta lagu qaadan.

“Shantii kun ee ugu horeysay ee ciidankeena kamid ah ayaan Akoono u sameynay inta kalena wey ku xigeysaa, qof waliba oo ciidan ah iyo qof waliba oo shaqaale ah iyo cid waliba oo dowladda wax ka qaadataa waa iney farihiisa meel yaalaan Akoonkiisa wax lagu shubaa arin badan bey xalineysaa taasi”ayuu yiri wasiirka.

C/raxmaan Ducaale Beyle wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in sidoo kale la ogaan doono safaaradaheena dibadda hadii ay jiraan lacago soo gala iyo halka lagu bixiyo, iyo tirada shaqaalaha ka howlgala safaaradaha Dibadda ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa shirkiisa jaraa’id ku soo bandhigay Nashqada Lacagta cusub ee la qorsheynayo in la soo daabaco.

Lacagtan cusub ayaa la qorsheynayaa in lagu bedelo lacagta Kunka shilling ee 20-kii sano ee la soo dhaafay la isticmaalay, waana nooc cusub.

Wasiirka ayaa sheegay in lacagtan aan la daabacan karin, isla markaana ay tahay mid dahabi ah ayna leedahay muuqaalo kala duwan oo aan suuragal ka dhigeynin in la soo daabacdo.

Lacagtan ayaa isugu jirta 10,000 iyo 5,000 waxaa la sheegayaa inay jirto tirooyin kale oo ay yeelan doonto lacagtan cusub.

LEAVE A REPLY