Dhageyso Barlamankii Galmudug oo Cadaado shir ka furay Maanta iyado Xubnihii...

Dhageyso Barlamankii Galmudug oo Cadaado shir ka furay Maanta iyado Xubnihii B. Ahlusuna aysan ka Soo Qayb Galin

0
SHARE

Kulan ay isugu yimaadeen  xubno ka tirsan Barlamanka Maamullka Galmudug magaalada Cadado ayaa Waxa Halkaasi ka furmay Kulankii kala fadhiga barlamanka Maamulka Galmudug Waxaana Barlamanka galmudug kulankooda lagu qabtay Xarunta Kafaalo oo Horay lagu soo aas aasay Maamulkii Galmudug

Kulanka Barlamanka ayaa Furitaankiisa waxaa  ka qayb galay gudoomiyaha barlamanka Galmudug ,Madaxweyne ku xigeenka  Dowlad Gobaledka Galmudug  Waxana kulanka ay ka shegeen in xarunta  barlamanka uu halkaasi ku sii shaqyan doono

Gudoomiyaha Barlamanka Dowlad Gobaleedka Galmdug ayaa Waxa uu shegay in barlamankii saxda ahaa uu maanta halkan  fadhiyo wixii aan joogin kulanka aysan ahayn barlaman aan ka diiwan gasheen galmudug

xubnaha Barrlamanka Galmudug ee ahlusunna  ka imanayay ayaan kulanka ka soo qayb galin waxana xubnaha joogay kulanka ay ahaayeen kuwii hore ee barlamanka galmudug taasi oo shaki galisay dad badan in xubno gooni ah ay kulanka maanta  fureen

sidoo kale xubnaha barlamanka kulankooda joogay manta tiro ahaan aad ayay u  yaraayeen , waxana  ay sii kordhisay shakiga ah in xubnaha barlamankii hore xita ay labo garab u kala jaban yihiin

Hooos ka Dhageyso Codka

 

LEAVE A REPLY