Faah faahin dheeraad ah oo ka soo baxeysa dagaal ka dhacay ...

Faah faahin dheeraad ah oo ka soo baxeysa dagaal ka dhacay Deganka…..

0
SHARE

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xalay Ciidamada Difaaca Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhax-maray degmada Waajid ee Gobalka kaas oo socday ku dhawaad 30 daqiiqo sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Masuul ka tirsan maamulka degmada Waajid ayaa KNN u sheegay in xalay fiidkii hore dagaal u badan Madaafiic iyo rasaas ay Al-shabaab ku qaadeyn Saldhig ay dagan yihiin Ciidamada Difaaca Soomaaliya una dhaw Saldhiga Ciidamada Itoobiya ee Degmadaasi.

Saraakiisha Milatariga Soomaaliya ayaa KNN u sheegay iney iska difaaceyn Al-Shabaab ayna ka dileen dagaalamayaal gaaraya ilaa 3 dagaalame oo shabaab halka dhinacoodana uu soo gaaray khasaare dhaawacyo ah.

Al-shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka geysanayana Saldhigyada Ciidamada Dowladda ee Gobalada Qaar, Al-shabaab ayaa hore u weeraray Sh/Hoose, Bay, Jubada Hoose, Gedo iyo meelo kale.

LEAVE A REPLY