Shirarka Cadaado ka Socda ee Xaaf looga Soo Horjeedo ,iyo Xildhibanada Galmudug...

Shirarka Cadaado ka Socda ee Xaaf looga Soo Horjeedo ,iyo Xildhibanada Galmudug ugu jira Dowlad Dhexe oo gadal ka Riixaya Khilafka

0
SHARE

Magaalada Cadaado Waxaa ku sii Qul Qulaya Xildhibaano ka Tirsan Barlmaanka Maamulka Galmudug kuwaasi oo ka imanaya Meelo kala duwan waxana Xidhibanadan ay ka soo Horjeedan Qaabka uu Wax u Wado Madaxweynaha Mamulka Galmudug iyadoo shir ay ku Qabteen Halkaasi ay ku shegeen in Xaaf uu san ku Matalin shirka Maanta Baydhabo Lagu soo Gaban Gabeyay

Warar lagu kalsoon yahay Warbaahinta Hobyomedia.com ay helayso ayaa shegaya in khilaafka  Hareerayay Madaxda ugu saraysa Maamulka Galmudug ay gadaal ka riixayan  Xildhibanada Labada Aqal ee Barlmanka  Barlmaka Somaliya ee Galmudug laga soo doorto Waxana arintan sida la shegayo ay a xiriirta xubnaha tirada badan ee ahlusuna ay ka heleen Maamulka Galmudug

Dowlada Dhexe ayaa qaab siyaasadaysan oo xirfadaysan markan u doonaysa in meesha ay uga saarto Madaxweyne xaaf iyadoo qaabka hada lloo wajahayso ay tahay mid ka duwan qaabkii kale kadib markii garab bihi uu madaxweyne xaaf ku laha dowlada soomaiya laga horkeenay sida xildhiabanada labada aqal oo mooshibkii hore ee xaaf laga keenay difaacay taa oo dowlada soomaliya ku keentay niyad jab markii dowlad ay culasyo kala duwan kala kulan tahay xildhibanadaasi balse hada xaalka sidii hore wuu ka duwan yahay

Siyaasada Xaaf aya si wayn loo dhaliilaya waxana hada culayska soo wajahay uu yahay mid culus blse wali  garabka madaxweyne ku xigeenka galmudug waxa ay u nugul yihin Heshiiska marka loo eego dhaleeceynta bulshada galmudug kaga imanaysa

sikastaba xaalka aya hada ah mid aan la  qiyaasi karin blse wixii warar ah oo soo kordha hobyomedia.com kala soco

 

LEAVE A REPLY