War Dag Dag ah Wariye lagu dhaawacay Muqdisho

War Dag Dag ah Wariye lagu dhaawacay Muqdisho

0
SHARE

Nin hubeysan ayaa duhurnimadii maanta waxa uu wadada Maka Al-mukarama gaar ahaan Hotel ku yaalla meel aan sidaas uga fogeyn isgoyska Dabka ku dhaawacay Wariye ka tirsan TV-ga warbaahinta dowladda, taasi oo lagu magacaabo Farxiyo Mire.

Wariyeyaal ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta oo soo xiganaya wariyaha la dhaawacay ayaa waxa ay inoo sheegeen in Farxiyo ay Hotel ku yaalla Dabka kula balansaneyd gabar ay saaxiibo ahaayeen oo ay alaab ka soo qaadaneysay, balse markii ay tagtay qolkii lagu balamiyay halmar ay la kulantay nin rasaas ku furay.

Wariye Farxiyo Mire ayaa waxaa la sheegay in laba xabdood lagu dhuftay, kuwaasi oo kaga kala dhacay Caloosha iyo Lugta, waxaana dhaawaceeda la dhigay mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla Muqdisho.

LEAVE A REPLY