War Xiiso leh Akhriso Dalalka dumarka bangiyada isticmaala Calamka ee ...

War Xiiso leh Akhriso Dalalka dumarka bangiyada isticmaala Calamka ee ay ka badan yihiin ragga

0
SHARE

Waxaa jiraa lix dal oo haweenka ku nool ee leh akoonada bangiga ay ka badan yihiin ragga, Dalalkani waxay kala yihiin Argentina, Georgia, Indonesia, Laos, Mongolia, iyo Philippines.

Sida ku xusan warbixiintii ugu dambaysay ee uu shaaca ka qaaday Bangiga Adduunka in ka badan 500 oo milyan oo qof oo ku nool 140 dal ay u furan yihiin akoonada bangiyada. Tiradaasi ayaa ka dhigan 69% dadka qaangaarka ah ee dalalkaasi. 2011 waxay qiyaastaasi ahayd 51%.

Dalka Hindiya 77% haweenka dalkaasi waxaa leeyihiin akoon bangi halka 83% raggana ay leeyihiin akoono.

Leora Klapper oo ah dhaqaalyahan ka tirsan Bangiga Adduunka ayaa sheegay in haweenka ku dhaqan dalka Philippines ay inta badan ay ka shaqeeyaan dalka dibadiisa ayna u furantahay akoonno bangi oo lacagaha ay kala soo baxaan si ay dib ugu maareeyaan nolosha qoysaskooda.

Akoonnada ay leeyihiin kala bar haweenka ku dhaqan Hindiya waa kuwo aan shaqayninLahaanshaha sawirkaAFP
nAkoonnada ay leeyihiin kala bar haweenka ku dhaqan Hindiya waa kuwo aan shaqaynin

Haween badan oo ku dhaqan dhammaan lixda dal waxay bangiyada ka qaataan lacago caddaan ah oo ka qayb ah barnaamijka dowladda.

Ardayad si qalad ah ku heshay hal milyan oo dollar

Warbixinta ayaa lagu sheegay in haween badan marka lacagaha caddaanka ay kala baxaan bangiyada kaddib ay durbadiiba iska xiraan akoonkooda.

Hindiya waxaa la sheegay in kala bara akoonada bangiyada ee dalkaasi ee aanan shaqaynaynin ay leeyihiin haween.

LEAVE A REPLY