XOG CULUS AKHRISO : Farmaajo & Kheyre oo isku Khilaafay in Xilka...

XOG CULUS AKHRISO : Farmaajo & Kheyre oo isku Khilaafay in Xilka laga qaado Taliyaha Nabad sugida

0
SHARE

Warar hoose oo ay heleyso  Hobyomedia .com ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ay isku khilaafsan yihiin in xilka laga qaado Taliyaha Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa Madaxweyne Farmaajo u bandhigay Warbixin ku saabsan waxqabad la’aanta Taliyaha tan iyo markii uu xilkaasi la wareegay wuxuuna ka codsaday in dowlada Soomaaliya ay ka fekerto bedelkiisa maadaama Ciidanka Nabad sugida ay yihiin awooda ugu weyn oo ay ka baqaan Al shabaab laakiin waxqabadkooda iyo howgaladooda ay hoos u dhaceen.

Madaxweyne Farmaajo ayay u cuntami weysay Taliyahan oo bishii Febraayo ee Sanadkan la magacaabay in xilka laga qaado, isagoo ku sheegay in dadka ay u fahmayaan in markii horeba ay iska magacaabeen iyagoon ka fiirsan, wuxuuna Ra’iisul wasaaraha usoo jeediyay in waqti la siiyo Xuseen Cismaan Xuseen.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa aad kaga xumaaday in Madaxweynaha uu ku khilaafo soo jeedintiisa waxaana la sheegay in Kheyre uu saluugsan yahay howgalada Nabad sugida.

Taliyaha Nabad sugida Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen wuxuu hore u soo noqday Wasiir ku xigeenka Amniga dowladii Cabdullaahi Yuusuf iyo Wasiir ku xigeenka Caafimaadka dowladdan hada jirta.

Taliyahan ayaa wax ku soo bartay dalka dibadiisa, wuxuuna haystaa Shahadada sare ee culuunta siyaasada, wuxuun decree ugu horeeyey ee Culuunta beeraha ka qaatay jaamacad ku taal dalka Romania sanadkii 1994-kii, wuxuu mudo ku dhow 15 sano ku noolaa dalka Canada, wuxuu sidoo kale kaalin muhiim ah ka soo qaatay shirkii Nairobi ee lagu soo dhisay dowladii Cabdullahi Yusuf Eebe ha u naxariistee Madaxweynaha ka ahaa waxaanu soo noqday xiligaas gudoomiyaha gudiga xalinta khilaafaadka.

Mudane Xuseen ayaa magacaabistiisa waxay ka mid aheyd khaladaadkii ugu waa weynaa oo ay galeen Madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre maadaama uusan tixraaciisa dambe shaqo ama aqoon ku laheyn Howlaha Nabad sugida iyo Sirdoonka, waxaase la arki doonaa halka uu ku dhamaato arintan ay isku khilaafeen Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha.

LEAVE A REPLY