Xog Ethopia oo Hub Farabadan ku soo Daabulaysa Gudaha Soomaliya Maxay Tahay...

Xog Ethopia oo Hub Farabadan ku soo Daabulaysa Gudaha Soomaliya Maxay Tahay Sababtu?

0
SHARE

Mid ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka oo si hoose ula hadlay Wakaaladda Wararka Warqaad diidayna in magaciisa warbaahinta loo adeegsado ayaa sheegay in Heshiiska Itoobiya iyo Soomaaliya ay wada gaareen qeyb yahay in Dowladda Soomaaliya loo gacan geliyo hub aad u fara badan oo awood u siinaya isaga difaacdo Mucaaradka ka horyimaada.

Wuxuu sheegay in Qodobada Heshiiska ee Warbaahinta loo soo bandhigay aan lagu soo darin,wuxuuna hadalkiisa intaasi ku daray in la doonayo in la marin habaabiyo Ummadda Soomaaliyeed,sida uu hadalka u dhigay.

Inkastoo uusan soo bandhigin nuucyada hubka iyo waqtiga iyo halka loo soo marsiinayo ayaa hadana wuxuu kalsooni daro ka muujiyay halka hubkaasi ay ku danbeyn doonaan.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Soomaaliya ayaa sabtidii la soo dhaafay Heshiis ka kooban qodobo badan ku gaaray magaalada Muqdiso,kaasi oo qaar ka mid ah qodobada dood badan ka timaada.

Xeel dheerayaasha siyaasadda ayaa shaki geliyay in iskaashi lala sameeyo Dowladda Itoobiya oo la ogyahay wixii Soomaaliya kala dhaxeeyay.

LEAVE A REPLY