XOG: Farmajo iyo kheyre oo ka walwal san Siyaasiyiin & Xildhibaano diidan...

XOG: Farmajo iyo kheyre oo ka walwal san Siyaasiyiin & Xildhibaano diidan Heshiiskii Itoobiya & Somalia oo ku shirsan Muqdisho

0
SHARE

Siyaasiyiin iyo Xildhibaano mucaarad ku ah Madaxtooyada Soomaaliya ayaa bilaabay iney isku uruursadaan magaalada Muqdisho,kuwaasi oo doonaya iney mooshin ka keenaan Heshiiskii dhowaan lala galay Dowladda Itoobiya.

Qaar ka mid ah Hotelada ku yaalo magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda shirar gooni gooni ah oo ay leeyihiin mucaaradka ku kacsan Dowladda Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya,kaasi oo ay kaga doodayaan sidii ay dalka ku badbaadin lahaayeen sida ay hadalka u dhigeen.

Heshisikii lala galay Itoobiya ka dib booqashadii Muqdisho uu ku yimid Ra’iisal wasaare Abeey Ahmed ayaa tooshka ku ifiyay dibin daabyo lala doonayo in lagu majaxaabiyo madax banaanida iyo Qaranimada Soomaaliya.

Arrintaan ayaa laga yaabaa iney sii kordhiso dadka mucaaradka ku ah Xukuumadda Nabad iyo Nolo lee uu madaxda ka yahay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

LEAVE A REPLY